Ugu yaraan 50 qof oo u badan dhalinyaro Soomaaliyeed, ayaa lasoo wariyay in shalay oo Talaado ahayd laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha caalamig ah ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo laga soo tarxiilay dalka Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa dhowaan raaf iyo qabqabasho ka sameysay magaalooyin dhowr ah oo dalkaasi kuyaal, waxayna gacanta ku dhigtay tiro boqollaal dhalinyaro ah, kuwaas oo ay xabsiyada u dhaadhicisay.
Inkastoo aan tirakoob rasmi ah la shaacin haddana wararka qaar waxay ku sheegeen dadka la qabqabtay inay gaarayaan ilaa 150 qof, halka wararka qaar na gaarsiinayaan ilaa 300 oo dhalinyaro ah.
Dhalinyarada kontonka ah ee shalay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho laga soo dejiyay ayaa qayb ka ahaa dadka Soomaaliyeed ee uu Turkiga ka xirxiray dalkiisa, kuwaas oo marka hore xabsiyo la dhigay, ka dibna lagu xareeyay xerooyin sida ilo wareedyo sheegeen.
Wararka waxay intaas ku darayaan in dadka la qabqabtay ay ku jiraan dad xanuunsanayay oo dhakhtar sugayay, waayeello, waxaa sidoo kale ku jiray arday wax ka dhiganayay gudaha Turkiga iyo dad shaqeynsayay.
Dadka Soomaaliyeed ayaa tallaabadan ku tilmaamay cadaawad gooni ah oo ay dowladda Turkigu u qabto Soomaalida, maadaama qab-qabashada aysan ku jirin dadka kale ee kasoo jeeda dalalka kale ee Afrika.
Dowladaha mandiqadda ayaa la sheegay inay diideen in dadkooda laga soo tarxiilo Turkiga, waxaana ka mid ah Itoobiya oo aan ku jirin dadka laga soo ceyriyay dalkaasi.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
